Suugaan.Somali language

Home Page About Me Muqadisho Pictures Contact us Favorite Links The hidden beauty of Somalia Map of Somalia Suugaan. Guest Book Page

Kana Siib kana Saar" C/laahi Suldhaan (Tima Cade)

Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay I su'aala hadhow



Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax


Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar


Sallaankii istiqaalkow Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar


San ku neefle dhammaantii Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar


Soomaloo iscunaysa oo Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey Kii laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa'ile Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar


In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar


Nimankii na Siraayaye Waaxwaax noo kala saaftaye
Solanaayey cadkeenna e Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray Kii sedkeenna Cunaayaye
Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo
Aayad saarta carruuurtiyo Sagaal boy iyo kuug iyo
Weliba seeksa lahaa Kii saabaanka u laabayow
Saaxirkii kala gaurraye Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar


Sawjarkaa hubka qaataye Intuu soodhka ku taagey
U diyaara salaantiyo Saraakiisha amraysaay
Sifihii isticmaarka Ka siyaadiya maanta oo
Sibilkiinnan ag joogow Sibirtiisa istaaga oo
Nin walbaan sigib beeloo Sarow taaga gacmaa oo
Sacabkaysku garaaca oo Nin walbow saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh

Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa!
27/06/04



QARAN DUMAY QALFOOFKII


Abwaan Cabdi Muxumed Amiin waxa uu tixdan kaga hadlayaa xaaladda ay magaalada Muqdisho ku sugneyd sanadkii 1994-tiiiyo howlaha ay qabanayeen fannaaniintii joogtay Xamar. Tixdu waxa uu abwaanku warbixin ka soo siinayaa bulshada Soomaaliyeed sida ay magaalada iyo guud ahaan dalku uu ku sugan yahay. Gabaygu wuxuu si gaar ah ugu jeedaa abwaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibedda dalka, waana guubaabo ku aaddan inay abwaaniintu mar kale u guntadaan sidii ay dadka nabad ugu baaqi lahaayeen. Waxaana tixdu ay ku billaabatay sidan:

Kala qeybin maayee, abwaaniinta qarankaay,
In qurbaha u yaacdoo, qaaradaha kala jira,
Inta qoysaskoodii, naftu qabo ku tiriye,
Gobollada ku qoofalan.
***
Hal-qabsiga daraaddii, Hadraawiyo Qeysow,
Sidii loogu kala qaxay, qaarba meel u aadeen,
Dagaalkii qasuumada, qabaar meynu kala helin,
Mid mid qubana mooyee.
***
Qaddar baa shantii sano, qabso oo inoo dhiman,
Kolkii garsho lagu qaday, xoogga qoriga mooyee,
Kolley ani qiyaastay, talo lagu qaboobiyo,
Qiilnahay weli, qarax iyo dab mooyee.
***
Howl waxaanu qabaniyo, qaabkaan ku noolnahay,
Aan idiin hal-qaadee, waayaha wax iga qora.
***
Qaran dumay qalfoofkiis, ayaan hoos qandoodaa,
Qaylada rasaastiyo, madfaca qaraxyadiisaan,
Ku quraacannaa weli, khad cagaaran baa jira,
Kala qeybsha beelaha, Xamar oo qabuuriyo,
Qoom rogmaday dalkiisii, qof arkaa u moodaan,
Sii quud-darreeyaa, quruxday lahaydiyo
Meel aan laga qaloon oo, qof waliba ku nabad galo,
Dib ma u qosleysaa?!.
***
Noloshu wayska qiilqiil, howli waa qamaamadan,
Haddana waa wax sii qoran, quudkaad cuneysee,
Ma qadno oo ma qaawanin, qadada waan iska hellaa,
Danyartaan la qeyb nahay, qofka iyo nasiibkii,
Qadartii uu soo helo.
***
Noloshoo qaraaroo, qaabkaasi lagu jiro,
Afka isma aanu qabanine, bal inay wax qaataan,
Qaylaanu ku wadnaa, qoondeeya nabaddoo,
Qarankii is qoonsaday, dib qalqaalo ha u galee,
Iska dhiga qoryaha oo, nabad qaata waan iri.
***
Inkastoy qafaasheen, qabiillada hubeysani,
Waxba aanay qaban karin, inta kheyrka jeceliyo,
Nala qaaday shicibkii, kama quusan waanwaan.
***
Warka qodobadiisii, qaddarkaas igaga filan,
Balse suaal qayaxanoo, naxli qabin aan raacsado,
Qays iyo Hadraawoow, qasiidooyinkii iyo,
Heesihii qurxoonaa, dadka qiiro gelin jiray,
Qol miyaad ku ooddeen, qalinkii miyuu gudhay,
Ma qubteen tawaaddii, geed idin ma qarinine,
Mise qowda maqashii, iyo qalad kalaa jiray,
Oo idiin qarsoonaa.
***
Kolkii shalay qallooc jiray, annagoo cabsi aan qabin,
Waa taan qaylo-dhaantii, hubka qaata aan nidhi,
Iyagoo shaki aan qabin, bulshaduna waxqabadkii,
Qowlkeenii fuliyeen, taariikhdu waa qore,
Been kuma qisootee, qalalasihii dhacay,
Qayb baynu ku lahayn, boqol jeer qiyaastay,
Middaanaa ka qara weyn, qarniyaal wixii dhacay.
***
Waxseen kaga qaboobaa, qasadkeennu ma ahayn,
Siday wax u qalloocdeen, kolkii qoysba qoys dilay,
La qufee caloolaha, xishoodkii la qaaddacay,
Loo qaybsaday haweenkii, sidii qoomkii Nabi Luud,
Jaahilnimada lagu qiray, qowlkii Ilaahay,
Caydheenna qaawani, kolkay qaaradaha idil,
Nafta kula qamaameen, habqankeennu qariyeen,
Qof arkaaba yaabeen, kolkay ugu qadhaadheyd,
In dibnaha la qoofalo, oon qowlba laga oran,
Suaal bay u qalantaa?.
***
Abwaankii qadyad lehe, qoomiyad u heesow,
Waa lagu qaddariyaa, qiimaad ku leedahay,
Qarankeenna oo idil, qodobkii aad sheegtaana,
Waa lagu qisoodaa, loo qoraa carruuraha.
***
Hadraawiyo Qaysow, imaarad qabiiliyo,
Qoysas ay u taliyaan, qorshahoodii waa hore,
Qaybintii gumeysiga, cadawnimo ku qotomay,
Dalka miyay u qalantaa?, dadka miyay u qalantaa?,
Diinta miyay u qalantaa?, qof damiir la mooyee,
Qaar aan dhammeynoo, belo qaadday mooyee,
Badow loo qudbeeyo, been lagu qarribayoo,
Iska qaaq leh mooyee, qaangaar waxgaradiyo,
Qof dadnimo ku nooshahay, wax aan aadmi qaataa,
Qaaradaha ku nooleyn, sidee loogu qoor-qaban?!.
***
Inta qaar indha la oo, qalbiga uu madow yahay,
Hadba qar ay ka ridayaan, usha maan u qabannoo,
Khataraha u sheegnoo, ku tilmaanno qarannimo,
Iyadaa qabow lehe.
***
Waxaa qoray walaalkiin, quud aad wadaagtaan,
Howlo isla qabateen, waayaha qalloocani,
Qoqobaha ku kala xidhay.

The editor

 

Soomaalaay Ayaa Tahay (Gabay)

Halkan waxaan kusoo bandhigaynaa gabay cinwaankiisu yahay Soomalay ayaa tahay oo uu tiriyey, uuna nooga soo diray dalka Paakistaan gaar ahaanaan magaalada Islamabad Abwaan Jaamac Maxamuud Maxamed , waana kan gabaygii:-

Masoo galoo bax baad tahay
Mise waab sabool iyo
Silac iyo dhib baa tahay?
Ma Suu iyo Shilkaa tahay?
Soomaalaay ayaa tahay?

Ma meel leysku ciiliyo
Carro laga hayaamoo
Ciiddu ay casaan tahay
Cidle ciirsilaa tahay?
Soomaalaay ayaa tahay?

Ma Ummad kala silloonoo
Seete aan laheynoo
Silac iyo harraad dilay
Saamigeedii baa tahay?
Soomaalaay ayaa tahay?

Ma kuwa dibadda meeree
Meel walbaa dareeree
Maraakiibta gooshtiyo
Matoorradu la caariyeen
Meydkoodu xeebaha
Madowgiisu buuxshoo
Ma mud iyo qax baa tahay?
Soomaalaay ayaa tahay?

Ma dad aan xishoonoo
Dabaaqoodu diintiyo
Wacdigu aan dageynoo
Xaqa aan darseynoo
Doorsoomay baa tahay?
Soomaalaay ayaa tahay?

Ma kuwa dakharka gaaree
Masiibadu la daristee
Duqii iyo ciroolihii
Diric iyo Waxgaradkii
Kiish dacalka heystee
Ku dar aan daloolshee
Cadowgii u diraayee
Wahay kaalinkii gabay!
Soomaalaay ayaa tahay?

Cisho dhowrto maa tahay
Ma galab waliba ceyn iyo
Ma dhallaan codkiisiyo
Car iyo wir baa tahay
Ma anaa kaa cad weyn iyo
Ma ictiraafsanaa tahay
Ma isma dhaanti iyo dhasheed
Ma ummad dhoohan baa tahay?
Soomaalaay ayaa tahay?

Ma xeebaha cidloonoo
Cid waliba daldalatoo
Sunta lagu cagaarshee
Nugliyeerka ceynkii
Ciiddeeda lagu rogay
Doog aan hareyn iyo
Dulmi loogu dowgalay
Soomaalaay ayaad tahay?

Ma kuwa ubadka duudshee
Dal shisheeye geeyee
Carro gaalo daadshee
Dareen aan laheynoo
Cidlo daadsan baa tahay
Soomaalaay ayaad tahay?

Dulli daliil miyaad tahay
Ma damiir aan naxeyn iyo
Doqon daacuflaa tahay?
Mise duul dawaafoo
Dalal kale ka yimidoo
Dunji aan laheynoo
Daaduf meerayaa tahay?
Soomaalaay ayaad tahay?

Ahay duulkan yaa dhalay!
Dadna yey galaanoo
Dabiibkoodu waa maxay?
Kudaalnaye bal noo sheeg?

Waxaa tiriyay:
Abwaan Jaamac Maxamuud Maxamed Jaamac Joobane
E-mail: joobane@yahoo.com

                       Sayid Maxamd Cabdula xassan

W.Q.  Axmed F. Cali "Idaajaa"

Ingiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.

 Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey.  Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen.  Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd.  Bal si ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:

 Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye

 Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye

 Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!

 Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane

 Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne

 Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!

 Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye

 Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey

 Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!

 Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene

 Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye

 Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!

 Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e

 Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene

 Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene

 Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne

 Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye

 Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!

 

 Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah.  Waa gabayga 'Gudban' amase

 'Gaalo-leged' lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda.  Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.  Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

 "Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa'.

 "Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen.  Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen'. 

Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:

 Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene

 Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane

 Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!

 Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye

 Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye

 Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!

 Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe

 Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne

 Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!

 Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye

 Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane

 Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!

 

 Sida ay cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba.  Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.  

Markuu fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.

Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa", sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:

 Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey

 iyo kii 'duleedshaay' ku yiri wax isma doorshaane!

 Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin.  Wax badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada aan la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:

 Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin

 Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara

 Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada

 Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira

 Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo

 Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!

 Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba.  Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le'an jireen, hantidoodana ku waayi jireen.  Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.

 Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.

 

                                   Raage Ugaas

Mar aan is idhi tolkii ayuu guubaabinayey khilaafka iyo qabyaaladana inay iska dhawraan u sheegayey wuxuu tiriyey gabay aan filayo inuu intan aad uga dheeraa laakiin aan ka hayno:

  • Wallee ama rafiiqdoo sidii, Raxan walaalowde

  • Ama idin rash tiri bawdadaan, laga rukuucaynin

  • Rufucii tol kala gala haddii, layska wada raadsho

  • Haddeydnaan sidii yacay ruqsamin, dhagaxa ii raabi ?

Mar kale isagoo wax tabanaya tabashadaasina ay soo xusuusisay haweeneey wanaag iyo maamuus wacan ku idaarayn jirtay Raage iyo ummuurihiisaba waa kii lahaa:

  • Cirkoo da'aya qaar baan dhulkiyo, ciidda wada qoyne

  • Caleemaha gugii baxa badh baan, carun ku dheehnayne

  • Caku dunida cuur wada dhashuu, qaarba cayn yahaye

  • Yaa yidhi Cibaadiyo tanaa, caano wada nuugey

Soomaalidu waa dad aad u jecel inay laba shay ama labo qof baratansiiyaan isna barbardhigaan kuna doodaan midkaas ayaa sita ama kaasi waxba ma ahee midkaa kale ayaa baro dheer.  Waxaa la wariyey in Raage la waydiiyey Soomaali qofka ugu gabay badan wuxuuna ku jawaabay gabay ay ka mid ahayd sida nasoo gaadhay:

  • Aw-Muuse waa hoorin jirey, hadal nin waayeel ah

  • Ina-Looti baan la hinjin karin, heeladkuu dhigaye

  • Odawaa Dhugeed baa hantiyey, hibadii geeraare

  • Anna hooto ridey gabay hadduu, haybad leeyahaye

  • ...

  • Dhallinyarada haatana ma jiro, Hawle oo kale'e

(... beyd Hawle ku saabsan ayaa ka maqan halkaa)

 

Beydka ugu dambeeya Hawlaha uu Raage sheegay tolow ma abwaankii Reer Ciideed baa, Gabay Hawle?  In kasta oo aanan hubin, waxaan u haystay inaan Gabay Hawle iyo Raage Ugaas nolol isku soo gaadhin maxaa yeelay Gabay Hawle soo ma ahayn ninkii arintii Ugaas Xaashi hadda dhaw ahayd ka lahaa: 

  • Wax badan baan hoggaankiyo jeclayn, inuu  hagaagaaye

  • Waynaan helaynine Xirsuu, kaga habboonaaye

  • Hayin nimuu ka jiifsaday wax uun, hilayga saarsaarye

  • Faratoon aan haaramannee, inaga heeryeeya

Halka magacu ka raacayna waxay ahayd gabaygii uu tiriyey ee uu

lahaa 'Hud-hudkii aan cunay baa wadnuhu, haw i leeyahaye'

 

Waxaan kaa codsanaynaa inaad soo saxdo taariikhaha iyo

gabayadanba haddii aad hubto say kala yihiin

 

waad ku mahadsantahay booqashadaada.

ma2online@hotmail.com